Ogaysiis Muhiim ah: Jagooyin Shaqo oo ka banaan Shirkadda Isgaarsiinta NATIONLINK TELECOM.

JAGOOYIN BANAAN
June 2010

NATIONLINK TELECOM Waxay ogeysiinaysaa cidii daneyneysa inay ka banaan yihiin Jagooyinka shaqo ee soo socda:

WAAXDA JAGOOYINKA SHURUUDAHA LOOGA BAAHANYAHAY QOFKA DANEYNAYA
[1]

Maamul & Maareeyn (Management and Administration) 10 jago 1. Waa in uu haystaa shahaado jaamacadeed oo maamulka iyo maareynta ah.
2. Waa inaysan da’diisu ka yareyn 30 sano kana weyneyn 40 sano
3. Waa in uu leeyahay waaya aragnimo shaqo xagga maamulka ah ugu yaraan sedex sano.
4. Waa in uusan lahayn wax balwad ah.
5. Waa in uu yahay qof mas’uuliyad qaadi kara
6. Waa in uu diyaar u yahay in uu ka shaqeeyo xarun kasta oo Nationlink ah
[2]
Iibka Iyo Suuqgeynta (Sales & Marketing) 10 jago
1. Waa in uu haystaa shahaado jaamacadeed oo maamul iyo maareyn ama wax u dhigma.
2. Waa inaysan da’diisu ka yareyn 25 sano kana weyneyn 35 sano
3. Waa in uu leeyahay xirfadda la xiriirida dadka kale (Communication Skills)
4. Waa in uu leeyahay waaya aragnimo shaqo xagga Iibka iyo Suuqgeynta Waa in uusan lahayn wax balwad ah.
5. Waa in uu yahay qof mas’uuliyad qaadi kara
6. Waa in uu diyaar u yahay in uu ka shaqeeyo xarun kasta oo Nationlink ah

[3]
Information Technology (IT) 8 jago


1. Waa in uu yahay qof ku shaqeeya IT -da.
2. Waa in uu heystaa bechelor of IT ama wax u dhigma
7. Waa inaysan da’diisu ka yareyn 25 sano kana weyneyn 30 sano
3. Waa in uusan wax balwad lahayn
4. Waa in uu leeyahay waaya aragnimo shaqo xagga IT-da ah.
5. Waa in uu yahay qof mas’uuliyada qaadi kara

Codsadayaasha jagooyinkaas kor ku xusan waxaa laga doonayaa in warqadahooda codsiga iyo CV yadooda ay keenaan Xafiiska Shaqada iyo Shaqaalaha NationLink (HRM) oo ku yaala xarunta NationLink km 5 dhexdeeda.Qabashada warqadaha codsiga waxay ku eg yihiin 20/06/2010

 

kala xariir Bakaaronet.com Email:bakaaronet@hotmail.com