Idaacadda Islaamiga Andalus ee xarunteedu tahay magaalada Muqdisho ayaa sare u qaaday howsha warbaahineed oo ay u heyso bulshada Soomaaliyeed ee Muslimka ah.
Warbaahinta Islaamiga Andalus ayaa sedaxdii maalmood ee lasoo dhaafay tebinaysay warar xaqiiqda ka hadlaya oo ku aadan isbedelka dagaalka oo ay mujaahidiinta Soomaaliya ku dhawaaqeen.
Andalus oo ah Idaacadda ugu weyn Soomaaliya ayaa si xowli ah u wada howsha warbaahineed oo ay islaamka u heyso, culimaa'udiin caan ka ah Soomaaliya iyo madaxda mujaahidiinta ayaa wareysiyo siiyay Idaacadda iyagoo dhamaantood sharaxaad ka bixinayay qaab dagaaleedka cusub ee mujaahidiinta iyo marxaladda cusub ee lagalay.
Andalus Radio waxaa laga dhegaysadaa Muqdisho,Kismaayo,Marka,Baydhabo,Ceelbuur,Jowhar waxaana lafilayaa in dhawaan xariga laga jaro xarumaha Andalus ee Xudur iyo Beled weyne.
Howl-wadeenada Idaacadda islaamiga Andalus ayaa noo xaqiijiyay in sababta ay sare ugu qaadeen howlahooda warbaahineed ay tahay in wacyiga dadweynaha ladhiso islamarkaana xaqiiqda jirta loosoo gudbiyo dadka Muslimiinta oo duulaan gaaleed Islaami ah iyo mid toos ah kala kulmaya kufriga caalamka.
Andalus Radio Muqdisho waxay kasoo gashaa Mowjadaha kala ah 88.8 MHTZ,98.00 MHTZ haddii aad joogto Ceelasha Biyaha,Lafoole ilaa walanweyn waxaad andalus ka dhegaysan kartaan 90.0 MHTZ iyo 88.8 MHTZ.
Kismaayo Andalus Radio waxay kasoo gashaa Mowjadda 88.8, Ceelbuur 88.8 Jowhar 88.8 magaalada Marka 88.8
Halkaan ka dhagayso Warka Habeenimo ee Idaacadda Andalus.
kala xariir Bakaaronet.com Email:bakaaronet@hotmail.com


