Maleeshiyaadka DKMG ah iyo ciidamada shisheeye ee dhawaan lawareegay gacan ku heynta suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa bilaabay in ay bililiqeystaan hantida taal gudaha suuqaasi.
Shalay ilaa iyo xalay gudaha suuqa waxaa ka socda boob xoogan oo ay maleeshiyada Marya calasta Koofiya casta ugeysanayeen Bakhaara ganacsi iyo dukaamo ay leeyihiin ganacsatada.
Dhinaca kale saraakiil katirsan sirdoonka Mareykanka ayaa gudaha u galay suuqa Bakaaraha waxayna fatashaad kula dhaqaaqeen masaajidda waaweyn ee gudaha suuqa Bakaaraha ku yaal.
Dad ka gaabsaday in magacooda la adeegsado ayaa soo sheegay in ay arkeen Saraakiil cadaan ah oo sii gelaya suuqa gaar ahaan waxay jebiyeen Masjidka Abaa Hureyra iyagoona sawirro ka qaatay Maktabadda Masjidka iyo gudaha Mixraabka.
Taangiyada AMISOM ayaa shalay oo idil dhax wareegayay suuqa iyagoona jebinayay dhamaan Masaajidda Bakaaraha oo ay ka jireen nashaadaadka diiniga ah.
Kufaarta Afrikaanta ah iyo Mareykanka ayaa aaminsan in Masaajid uu kamid yahay Abaa Hureyra ay kasoo baxaan Jiil badan oo qeyb ka ah jihaadka ka socda dalka Soomaaliya.
Xigasho:Somalimemo
kala xariir Bakaaronet.com Email:bakaaronet@hotmail.com


