Markazka Sunni Center ee Magaalada Gothenbourg oo Gargaar gaarsiiyay shacab Abaareysan+Sawirro.

Markazka Sunni Center ee Magaalada Gothenbourg ee wadanka Sweden oo ah Masjidka ugu weyn wadamada SCANDINEVIAN-ka oo lakaashanaya Jaaliyada ku tukata Masjidka & Markazka Soomaalida Xaafada Hisingen oo soo gaarsiiyay Deeq Lacageed Barakacayaasha Soomaaliyeed.

Deeqdani oo ay soo direen Soomaalida ku nool Gobolka Gothenbourg ayaa waxay usoo wakiisheen Xubin ka mid ah Gudiga Culimada & Ganacsatada Gurmadka Degdega ee Abaaraha .


Walaalaha Soomaaliyeed oo iska soo Aruuriyay lacag Gaareeysa $29,000 ( Labaatan iyo Sagaal kundoolar ) ayaa waxay ugu tala galeen in la gaarsiiyo walaalahooda soomaaliyeed Gaar ahaan kuwa kasoo jeeda Gobolka Baay iyo Bakool.

Qeybinta deeqdan ayaa waxaa loo qoondeeyay in la siiyo qoys waliba Raashiin isugu jira Bur , bariis , Saliid , Timir iyo Lacago Kaash ah , halka Qoysaska qaarkoodna la siiyay lacago kasha oo u dhigianta Raashiinka lasiiyay kuwa kale.

Howshani qeybinta deeqda ahi ayaa waxay qaadatay qeybo badan waxaan ka faaideystay qooysas gaaraya kun qoys ( 1,000 ) intaasi waxaa dheer in si gaar ah kaalmo loogu fidiyay dad gaar ah oo mudnaa in kaalmo loo fidiyo , dadkaasoo isugu jiray kuwo Xoolahooda ay ku baaba’een Abaaraha , kuwo Naafo ah , kuwo miirka l’a iyo kuwo Caafimaad u baahnaa.

Dhibaateeysan, iyagoo alaahna uga Baryay inuu Badal Kheyr qabo Siiyo halka ay Gudiga iyo wakiilka Deeqdaana baaq u jeediyeen Soomaalida Dibad Jooga ah , Ganacsatada Dalka iyo Dibadiisaba , Shakhsiyaadka Muxsiniinta ah , iyo Hayadaha Kheyriga ah ineey ka qeyb qaataan Samata Bixinta Dadaka Dhibaateeysan.











 

kala xariir Bakaaronet.com Email:bakaaronet@hotmail.com