g

   



Khilaafkii xooganaa ee dhawaan soo kala dhax galay labada Shariif ayaa saameyntii ugu xooganeyd ku yeeshay taliska ciidamada shisheeye ee Uganda iyo Burundi kuwaasoo xilligan wajahaya xaalad adag oo dagaal ahi.


Sida ay inoo sheegeen qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka oo ka qaabsaday magacooda sababo la xiriira ammaanka,taliska ciidamada shisheeye ayaa aad uga carooday khilaafkii soo kala dhax galay labada shariif kaasoo ku saleysan waqti kororsiga saddaxda sannadood ee uu Baarlamaanku sameeyay.


Waxay sheegeen in taliska shisheeyaha ay subaxnimadii axadda warqado gaarsiiyeen xafiisyada labada Shariif ee ku yaala madaxtooyada,iyadoona warqadaha ay ku qornaayeen in madaxda dowladdu ay joojiyaan is khilaafka maadaama lagu jiro marxalad adag oo dagaal


Si aan u helno faah faahin intaasi ka baxsan ayaanu isku daynay inaan la xiriirno taliska shisheeyaha,balse waa ay inoo suura gali weysay inaanu ka helno warka ku saabsan inuu moral dillaac ku keenay khilaafka labada Shariif.
Ciidamada shisheeye ayaa hadda si weyn uga murugeysan khasaarihii kasoo gaaray dagaaladii ugu dambeeyay ee saanadda looga soo furtay maxaabiis iyo meydad bandanna looga soo qabtay.


Isku soo wada duuboo bartamaha Todobaadkii aynu soo dhaafnay ayuu si toos ah usoo shaac baxay khilaafka labada Shariif,kadib markii madaxweyne Shariif uu diiday inuu saxiixo warqad uga timid Shariif Xasan oo la doonayay inuu madaxweynaha saaro saxiix ogolaanaya waqti


19-kii bishan ayey ahayd markii dagaal saf dheer ah ay ciidamada shisheeye kusoo qaadeen fariimayaasha Mujaahidiinta sida:-Muqdisho iyo wilaayaadka qaar,dagaaladaasi oo ay shisheeyuhu ku fashilmeen ayaa waxaa door taariikhi ah ka qaatay shacabka Soomaaliyeed oo aan u kala harin lab iyo dhaddigba


 

                           BakaaroNet © 2009 - All Rights Reserved.                        
 Contact us at:
bakaaronet@hotmail.com.com