![]() |
||
![]() ![]() Shirkada Isgaarsiinta Nationlink ayaa waxay shaaca ka qaaday inay qiimo dhimis ku sameysay adeega gudaha ee isgaarsiinta, taasoo ay ugu bishaareysay umada soomaaliyed iyo macaamiisheeda, kadib war saxaafadeed ka soo baxay Shirkada. Shirkada Isgaarsiinta Nationlink ayaa maalmahan waday tayeyn dhinaca taleefanada iyo macluumaad kordhin ay ku heysay dhanka adeegeeda isgaarsiineed, kaasoo ay si weyn uga haqabtirtay macaamiisha, waxaana adeegyada ay soo kordhisay Shirkada soo dhoweeyay dadweynaha soomaaliyed. Hadaba qoraal saxaafadeedka ka soo baxay Shirkada Isgaarsiinta Nationlink oo nuqul ka mid ah uu soo gaaray Xafiiska BakaaroNet.com ee magaalada Muqdisho ayaa u qornaa sida:- QORAAL SAXAAFADEED Shirkadda Isgaarsiinta Casriga ah ee Nationlink oo La aasaasay Sept 1997 waxay door Muuqda uga jirtaa Gacansiinta Bulshadeeda Dhibaateysan waxayna heegan buuxa u Gelisay Saacad kasta Gaadiidka Gurmadka Degdega(Ambulance)oo Caan ka noqday Caasimada Muqdisho iyagoo kala soo xiriiraya (777) Toll free waxay sidoo kale xooga saartay taaba-gelinta sidii dadka Soomaaliyeed u heli lahaayeen adeeg isgaarsiineed oo tayo wanaagsan leh, qiimihiisuna uu jabanyahay. Dabcan In ay shirkado ku tartamaan suuqa waxay waxtar wayn u leedahay shacabka oo ka faaiidasanaya. Ilaahey Mahadiis Nationlink Telecom waxaa u suurto gashay in ay adeeg tayo leh ku baahiso Dalka oo dhan sanadkaan 2011. Nationlink Telecom markii ay aragtay daruufaha adag ee dalka ka jira, qiimeysay baahida macaamiisheeda sharafta leh waxay ugu bishaareyneysaa in ay u Sameysay Qiimo Dhimis ku aadan wicitaanadda Taleefanada Gudaha (Local Calls) Sidaas Daraadeed laga bilaabo 20/02/2011 wicitaanada Gudaha ee Post-Paid, Fixed- Line Iyo Pre-Paid -kuba waxay noqonayaan sida hoos ku xusan Saacadaha 07:00Am -08:59Pm Fiidnimo Mobile To Mobile & Mobile To Land line wuxuu Noqonayaa(4 cents) 0.04 cents Daqiiqadii Saacadaha 09:00Pm -06:59Am Subaxnimo Mobile To Mobile & Mobile To Land line wuxuu Noqonayaa (3 cents) 0.030 cents Daqiiqadii Sidoo kale shirkadu waxay macaamiisheeda Siineysaa Promotions ka dheeri ah lacagaha ay ku shubtaan kana kooban Daqiiqadaha hadalka iyo Fariin qoraaleedyo (Free airtime and Free SMS) KU SHUBO OO KU HADAL SHABAKADA AAN MASHQUULKA LAHEYN EE NATIONLINK TELECOM NATIONLINK COMMERCIAL OFFICE |
||
|
BakaaroNet © 2009 - All Rights Reserved.
|