Shabaabul Mujaahidiin iyo ciidanka shisheeye oo Muqdisho ku dagaalamay

Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa weeraro culus ku qaaday fariisimo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Murtadiinta iyo ciidamada AMISOM.

Dagaal culus ayaa lagasoo sheegayaa in uu ka socdo degmooyinka Kaaraan iyo C/caziiz waxaana lamaqlayaa rasaas xoogan oo ay is dhaafsanayaan Mujaahidiinta iyo ciidamada cadawga ah ee iswata.

Hugunka rasaasta iyo madaafiic culus ayaa laga maqlayaa saldhigga degmada Kaaraan iyo dhismayaashii Mirinaayada oo maanta ay soo gaareen ciidamo Kirishtan ah iyo kuwa taabacsan DKMG ah.

Goob joogayaal ayaa soo sheegaya in geesiyaasha Towxiidka ay kala Eryeen ciidamadii cadawga ee halkaasi soo gaaray, sidoo kale mujaahidiintu waxay weerar culus ku qaadeen Kawaankii Hore ee Liido oo ay maanta soo gaareen maleeshiyaad murtadiin ah.





 

kala xariir Bakaaronet.com Email:bakaaronet@hotmail.com