|
 
Waa Sidee xaaladda gobolada Jubbooyinka iyo Gedo (Warbixin)
-------------------------------------------------------------------------------------------
Xaalad deganaashiyo ah ayaa
lagasoo sheegayaa wilaayaatka islaamiga Soomaaliya oo duulaanada
kala kulmay dowladda Kirishtanka Kenya iyo maleeshiyaadka daba
qoodhiga.
Wararka nagasoo gaaraya Gedo ayaa sheegaya in ciidanka Kenya iyo
maleeshiyaadka la socda ay ka hakadeen weerar ay damacsanaayeen
in ay ku qaadeen degmooyin Gedo katirsan oo ay gacanta ku hayaan
mujaahidiinta Soomaaliya.
Ciidamo badan oo katirsan kuwa mujaahidiinta ayaa iyana
kulaalaya deegaanka Buusaar iyo degmada Ceel Waaq waxaana laga
yaabaa in 48-ka saac ee socota ay dagaallo ka dhacaan halkaasi.
Sidoo kale ciidamada mujaahidiinta ayaa xalay dhaq dhaqaaq
ciidan ka sameeyay duleedka degmada Garbahaarey oo muddo kabadan
9 bilood ay ku lug go'anyihiin maleeshiyaad Soomaali Amxaaro ah.
Wilaayada Jubbada Hoose.
Xaalad deganaan ah ayaa kajirta Jubbada Hoose wixii ka dambeeyay
dagaalkii taariikhda galay ee Xayo kaasi oo dhacay 2-dii
December 2011 waxaana dagaalkaas lagu dilay ugu yaraan 85 Nin oo
katirsan maleeshiyaadka Kenya taabacsan iyo ciidamo Kenyaati ah.
Majiraan wax duqeymo ah oo Jubbooyinka ka dhacay marka laga
reebo duqeyntii shacabka badan ku shahiideen ee ka dhacday
Hoosingoow waxaa been ah warar ay maalmahan baahinayeen
warbaahinta cadawga oo tilmaameysay in diyuuradaha Kenya
duqeeyeen Kudhaa.
Kenya ayaa dharbaaxo lama filaan ah kala kulantay duulaanka ay
kusoo qaaday Somaaliya sidaasi oo ay tahay weli waxay ku
goodinaysaa in ay weerar ku tahay dhulka Soomaaliya.
Warbaahinta BakaaroNet
Muqdisho - Somalia
|