|
 
Amiirka Al shabaab oo amaanay beesha Mareexan,Xildhibaan
Muqdisho lagu toogtay iyo Qaraxyo Burundi lala eegtay (Akhri
Wararka maanta)
-------------------------------------------------------------------------------------------
Ciidamo katirsan kuwa Burundi
ayaa ku hoobtay qarax markale maanta lagula eegtay wadada
Warshadaha ee magaalada Muqdisho.
Maanta gelinkii dambe ayay Miino laqaraxday ciidamo katirsan
kuwa shisheeye ee xoogga ku jooga magaalada Muqdisho maalin
kadib markii shalay qarax khasaara badan dhaliyay uu ka dhacay
Muqdisho.
Saraakiil katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa
SomaliMeMo u sheegay in Sedax Askari ku dhinteen qarax Miino oo
galabta ka dhacay agagaarka EVECO halkaasi oo fariisin ku
leeyihiin ciidamada Burundi.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in dhaawac badan uu soo gaaray
ciidanka cadawga ah, ciidanka Burundi ayaa layaaban sida ay
mujaahidiinta ugu suuragashay in ay qarax ka fuliyaan meel ay ku
suganyihiin iyaga iyo maleeshiyaadka Carra tuurka u ah.
Xildhibaan Muqdisho lagu dhaawacay iyo DKMG ah oo dhaxdeeda
ismashiimeysa
Dhinaca kale maleeshiyaadka DKMG ah ayaa maanta toogasho ku
dilay mid kamida Xildhibaanada DKMG ah xilli khilaaf xoogan soo
kala dhaxgalay labada shariif oo ah madaxda ugu sareysa DKMG ah.
Goob joogayaal ayaa sheegay in maleeshiyo hubeysan ay rasaas
ladhaceen gaari uu lasocday Xasan Nuur Albaro oo kamid ah
taageerayaasha Shariif Xasan Sheekh Aadan gudoomiyihii
baarlamanka ee xilka laga qaaday.
Xildhibaanka oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegay in isaga si
bareer ah loo beegsaday islamarkaana ladoonayay in lakhaarijiyo
hantidiisana ladhaco.
Abuu Zubeyr oo Wareysigii 2-aad bixiyay.
Amiirka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa caawa wareysigii
labaad siiyay Wariye Jibriil Nuur oo katirsan Idaacadda
Islaamiga An-andalus.
Wareysigan wuxuu amiirku uga hadlayaa arrimo badan oo ay kamid
yihiin ragga ugu caansan saaxada Jihaadka ee
shahiiday,Culimaa'usuuga iyo xariirka ka dhaxeeya Shabaabul
Mujaahidiin iyo qabaa'ilada Soomaaliyeed.
Wuxuu Abuu Zubeyr si gaar ah u amaanay Beesha Mareexaan oo uu
sheegay in waqti adag isbarbar taageen mujaahidiinta Soomaaliya
isagoona kula dardaarmay Mareexaan in ay isbarbar taagaan.
Isha Warka: Somalimemo.net
Warbaahinta BakaaroNet
Muqdisho - Somalia
|