|
 
Ciidamada Al shabaab ee Gedo oo heegan galay iyo shisheeyaha oo
weerar kusoo ah Baardheere.
-------------------------------------------------------------------------------------------
Ciidamada Mujaahidiinta
wilaayada Islaamiga Gedo ayaa heegankii ugu sareeyay lageliyay
kadib markii ay dhaq dhaqaaqyo sameeyeen cadawga Kirishtanka ah
iyo maleeshiyaadka lasocda.
Warar ay SomaliMeMo ka heshay Gedo ayaa xaqiijinaya in ciidamo
badan oo katirsan kuwa Kenya iyo maleeshiyaad la socda ay dhanka
Buurdhuubo usoo dhaqaaqeen.
Cadawga iswata ayaa doonaya in ay qabsadaan degmooyinka
Baardheere iyo Buurdhuubo oo hadda ku jira gacanta mujaahidiinta,
dad ku sugan Gedo waxay leeyihiin in Baardheere iyo Buurdhuubo
laqabsado Mowd iyo dhiig badan oo daata ayaa ka horeeya.
Saraakiil katirsan wilaayada Islaamiga Gedo oo aan laxariirnay
nooma suuragelin in aan Khadka Taleefanka ku helno, warar madax
banaan ayaa iyana sheegaya in ciidan Itoobiyaan iyo Soomaali ah
ay dhaq dhaqaaq ka wadaan dhanka degmada Luuq ayna doonayaan in
ay duulaan kusoo qaadaan Baardheere.
Xigasho: Somalimemo.
Warbaahinta BakaaroNet
Muqdisho - Somalia
|