Sarkaal lagu dilay qarax Boosaaso ka dhacay

 -------------------------------------------------------------------------------------------

Sarkaal sare oo ka tirsanaa Ciidamada Birmadka Maamulka la baxay Puntland ayaa ku dhinta qarax xoogan oo goordhow ka dhacay magaalada Boosaaso.

Qaraxan oo ahaa Miinada meelaha fog fog laga hago ayaa waxaa lagu khaarajiyay Sarkaalkaasi iyo dhowr Askari oo ilaalo u ahaa, mana jirto faah faahin intaas ka baxsan oo kasoo baxeysa qaraxa.

Ciidamado ka tirsan Booliiska ayaa qaraxa kadib halkaasi soo gaaray, waxaana lagu soo warramayaa in ay qabteen dhowr ruux oo ay uga shakiyeen inay ka dambeeyeen qaraxa.

Warbaahinta BakaaroNet
Muqdisho - Somalia



 

                           BakaaroNet © 2011 - All Rights Reserved.                        
 Contact us at:
bakaaronet@hotmail.com