Sheekh Xasan Takar oo ka digay ka qeyb galka Dabaaldegyada gaalada

 -------------------------------------------------------------------------------------------

Xili Dunida Meelo Badan maalmaha ugu dambeeya bishan aynu ku guda jirno Gaalada Dunida Dacaladeeda ku dhaqan ay udabaal dagaan xuska wax ay ugu yeereen maalmaha ciida Kirismiska ayaa waxaa xiliyada qaar dhacda in Dad Muslimiin ah ay kala qaybqaataan xafladahaasi.

Shiikh Xasan Maxamuud Takar oo kamid ah Culumada Diinta Islaamka oo si gaar ah waraysi usiiyay idaacada Islaamiga ah Al-furqaan ayaa sheegay in hadal iyo facilba ay Qatar tahay in gaalada lagala qaybgalo maalmaha ay udabaal dagaan oo maanta iyo berito kubeegan.

Shiikh Xasan Maxamuud Takar ayaa ku dheeraaday dibin daabyada gaalada ay umaleegayaan Dadka muslimiinta gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed oo ay fasaxaan maalmahaan oo kale, iyagoo kacodsanaya in xafladahooda ay kala qaybqaataan.

Sikastaba ha ahaatee amaanka Wadamada Kenya,Itoobiya,iyo Ugaandha ayaa si wayn loo adkeeyay amaanka halkaasi oo Gaalo badan xaflado ay ugu dabaal dagayaan maalmaha ciida kirismiska ay ku dhigtaan.


Warbaahinta BakaaroNet
Muqdisho - Somalia



 

                           BakaaroNet © 2011 - All Rights Reserved.                        
 Contact us at:
bakaaronet@hotmail.com