|
 
Dowladda Itoobiya oo sheegtay in ciidankeedu ku duuleen
Somaliya.
-------------------------------------------------------------------------------------------
Dowladda Itoobiya ayaa ka
hadashay duulaanka ay ciidankeedu kusoo qaadeen dalka Soomaaliya
iyo dagaaladii cuslaa ee maanta ka dhacay magaalada B/weyne ee
wilaayada Hiiraan.
Afhayeenka xukuumadda Itoobiya Barakat Semon oo lahadlay
wakaaladaha wararka reer galbeedka ayaa sheegay in Kumanaan
ciidanka Itoobiya ah ay Jumcihii lasoo dhaafay ka gudbeen
Feerfeer ayna xalay saq dhexe gaareen Kalabeyrka ilaa saaka
aroortii hore ay dhowr jiho ka weerareen magaalada B/weyne ee
Istiraatiijiga ah.
Dowladda Itoobiya oo cadaawad gaamurtay u heysa shacabka
Soomaaliyeed ee Muslimka ah waxaa ka go'an in ay dalka
Soomaaliya ka dhigto maamul gobaleed dalka Itoobiya raacsan
balse waxaa ka hortaagan geesiyaal Mabda' diimeed leh.
Barakat Semon wuxuu ku faanay in guutooyin ciidankiisa katirsan
ay gelbiyeen boqolaal Maleeshiyaad Soomaali ah oo raacsan
Itoobiya isagoo u bixiyay "Ciidanka TFG".
Afhayeenka Itoobiya wuxuu hadalkiisa ku celceliyay "waxaa
caawimaad naweydiisatay TFG", haddii sidaasi tahay Dowladda
shariif madaxda ka yahay waxay dhan walba ka liidataa dowladii
Cabdullaahi Yuusuf Madaxa ka ahaa ee dhamaadkii 2006-da dalka
soo gelisay Itoobiya.
Qirashada Itoobiya ay qiratay in dagaalkii maanta B/weyne ka
dhacay ay iyadu mas'uul ka tahay waxay dhabar jab ku tahay kuwa
murtadiinta soomaalida ah ee warbaahinta ka Oranaya "Ciidanka
Qaranka Somaaliyeed ayaa shabaab B/weyne ka saaray" waxayna
taasi lamacna tahay in kuwaasi aan soo sheegnay ay isku weel wax
ku cunaan waxna ku cabaan Amxaarada.
Warbaahinta BakaaroNet
Muqdisho - Somalia
|