Abuu Muscab "Xeelad dagaal ayaan ugasoo baxnay Beled-weyne"

 -------------------------------------------------------------------------------------------

Afhayeen Dhanka howlgalada ee Xarakada Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay inay xeelad dagaal awgeed uga baxeen degmad Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kaddib markii ay ciidamada Itoobiya ay weerar kusoo qaadeen.

Abuu-Muscab wuxuu sheegay in kumannaan askarta Itoobiyaan ah ay soo weerareen xarunta gobolka Hiiraan ee Beledweyne xoogaggooduna ay ka hortageen khasaarana ay gaarsiiyeen.

"Waxaa saakay Baladweyne soo weeraray ciidamo Itoobiyaan ah oo tiradoodu ay u dhexeyso 3,000 illaa 3,500 askari," ayuu yiri afhayeenka milateriga ee Al-shabaab isagoo sheegay in dagaalkii saakay ay ku gubeen qaar ka mid ah gaadiidkii dagaal ee ay wateen ciidamadii kasoo horjeeda.

Sheekh Abuu muscab ma sheegin khasaaraha dhankooda kasoo gaaray dagaalka culus ee ka dhacay daafaha degmada Baladweyne, isagoo dhanka ka sheegay inay qaybo ka mid ah degmada weli ku sugan yihiin.

Degmada Baladweyne oo ay Al-shabaab gacanta ku haysay labadii sano ee ugu dambeeyay ayaa waxay noqonaysaa degmadii ugu horreysay ee ku taalla gobollada dhexe ee Soomaaliya oo laga qabsado.

Xukuumadda Itoobiya sheegtay in ciidamadoodu dagaalka ay qayb ka ahaayeen ee lagu qabsaday degmada Baladweyne.



Warbaahinta BakaaroNet
Muqdisho - Somalia



 

                           BakaaroNet © 2011 - All Rights Reserved.                        
 Contact us at:
bakaaronet@hotmail.com