|
 
Wararkii Maanta,Sabti 21.1.2012 Halkaan ka Akhriso.
-------------------------------------------------------------------------------------------
Jaamacadda Muqdisho waa dhisme rayid ah, sanado ka hor ayuu ahaa
goob waxbarasho oo ardaydu u doontaan aqoon balse duulaankii
Itoobiya ka dib waa lagu kala haaday, wixii markaasi ka
danbeeyay wuxuu ahaa dhisme haawanaya.
Taariikhda marna Jaamacaddaasi maaney fariisimo ciidan ka dhigan
Mujaahidiinta Somaliya, hadane waxaan ka maqalnaa warbaahinada
iyo cadowga oo sheegaya; dhismaha Jaamacadda Muqdisho oo ahaa
saldhig weyn ayna kala wareegeen Mujaahidiinta!
Cadowga aan dagaalka kula jirno ee isugu jira dabadhilifyada iyo
shisheeyaha waxey ka caagan yihiin xaqiiqada, iyagoona mar
waliba ka been sheega dhacdooyinka, dhamaantood kama jawaabi
karaan su'aasha dhaheysa; Jaamacadda Muqdisho ma wuxuu fariisimo
u ahaa Ciidamada Mujaahidiinta?
Intaas ka dib Mujaahidiintu dagaalka iyagaa badalay qorshihiisa,
waxeyna cadowgu ku socdaan khidadii loo dagay, iyagaa soo baxay
iyaga ayuuna gaaray khasaaraha ugu badan, ugu danbeyntiina iyaga
ayaa bixi doona.
Talafashin Caalami ah ayaa weydiiyay wariye ka joogo Muqdisho oo
ka hadlayay dagaalladii shalay, waxaa la weydiiyay wariyaha; ma
noo sheegi kartaa xeryaha la sheegayo in Al-Shabaab lagaga
qabsaday Muqdisho?, wuxu wariyuhu ku jawaabay; ilaa hadda waxaan
ognahay qubuuraha Barakaat iyo dhismo jaamacadeed in ciidamadu
ay galeen, laakin waxaa wariyaha la sii weydiiyay dhisme
jaamacadeed maahan xero ciidan mise Al-Shabaab ayaa deganaa..?
jawaab wuu u waayay wariyahii..
Mar waliba waxey cadowgeenu sheegtaan guul been ah ka dibna
xaqiiqada ayay soo taabtaan, xaqiiqada dagaalka Muqdishana waxaa
ay cadaan doontaa maalmaha soo socda.
Somalimemo.net
Madaafiic aan wax khasaara ah
geysan ayaa goordhaw ku dhacday duleedka deegaanka KM13 ee
duleedka koonfureed magaalada Muqdisho.
Wariye katirsan AmiirNuur Media ayaa soo sheegay in laba madfac
oo is xigxigay ay kusoo dhaceen meel ku dhaw Isbitaalka Macaane
mana jirin wax dhibaata ah oo ay geysteen.
Madaafiicdan ayaa larumeysanyahay in ay soo rideen ciidamada
Kufaarta Afrikaanta ee ku sugan kuliyadda Jaalle Siyaad ee
magaalada Muqdisho.
Cadawga ayaa doonaya in ay Barakiciyaan shacabka Muslimiinta ee
ku dhaqanka shareecada Islaamka hoos harsanaya ee Ceelsha iyo
lafoole degan.
Al shabaab oo soo bandhigeysa
dukumiintiyo
Xafiiska Warfaafinta XSHM ayaa saacadaha soo socda baahinaya
Documentiyo sir ah oo lagasoo helay saraakiil katirsan dowlada
KMG ah oo shalay dagaalkii Xamar lagu dilay.
Shabakadda Ijtimaaciga ee twitter-ka ayay XSHM ku baahin doontaa
maadooyinka sirta ah, shalay dagaal ka dhacay duleedka magaalada
Xamar ayaa lagu dilay Taliye Murtad Soomaali qurba joog ahaa oo
ka barbar shaqeynayay kooxda Ridada labada shariif.
Mujaahidiinta Ashabaab ayaa astaan ka dhigtay istus oo Itaabsii
halka Dowladda Shariif iyo gaaladeeda AMISOM ay caan ku yihiin
been iyo dacaayado aan meel tegayn.
Documintiyada labaahin doono waxaa kamid ah Pasaport-ga Saciid
Barre oo heystay dhalasho Ingiriis ah.
Sarkaal Mareykan ah oo Gaalkacyo lagu
qafaashay
Kooxo hubeysan ayaa maanta duhurkii magaalada Gaalkacyo ku
qafaashay nin ajnabi ah oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa
gudaha Somaaliya.
Wararka nagasoo gaaraya Koonfurta Gaalkacyo ayaa sheegaya in
xoogag hubeysan ay qafaasheen muwaadin udhashay dalka Mareykanka
xilli uu isku dayayay in uu garoonka ka dhoofo.
Goob joogayaal ayaa soo sheegay in Rag hubeysan ay istaajiyeen
gaari ay lasocdeen Muwaadinka Mareykanka ah iyo Nin India u
dhashay waxayna ladegeen ruxii mareykanka ahaa.
Wararka ayaa intaasi ku daraya shaqaalaha ajaanibta ah ee
Gaalkacyo lagu weeraray ay u shaqeynayeen shirkad ajnabi ah oo
maalmihii lasoo dhaafay ka howlgelaysay magaalada Gaalkacyo.
Sheekh Fu'aad oo Muxaadaro qiimabadan jeediyay
Mas’uul sare oo katirsan
Culimada Rabaaniyiinta ahna daaci mujaahid ah ALLAHA Xafidee
Sheikh Fu’aad Max’med Khalaf ayaa jeediyay Kalimad Qiiro leh.
Sheikh Fu’aad ayaa Umadda
Soomaaliyeed iyo muslimiinta oo dhan ujeediyay Muxaadaro
dhaxalgal ah oo meel aysan taaban aan la arag.
Wadaadkan Mujaahidka ah ayaa
ka hadalay darnaanta Mowdka iyo sida ay waajib noogu tahay in
aan Cadaabka Alle waxa keenaya ka fogaano.
Ciddii aan Kalimadda Sheikh
Fu’aad dhageysata ee Aan qiiroon ama aan ilmadu quban Waa qof
Iimaankeedu daciif yahay ama Nifaaq ku jira.
Sheikha ayaa Cadaabka
Aakhiro nooga digay naftiisana uga digay, sheikh fu’aad wuxuu
dadka u Iftiimiyay wadada Alle nooga bad baadin karo Cadaabka.
Allaha Dhowree Jihaadka
Somaaliya ka socda ayuu soo hadal qaaday isagoo yiri “ilaah waa
naguuleynayaa gaalada waa jebinayaa waa in aan sabarnaa”.
Guji MP3
si Aad u Dhageysto Muxaadarada Sheikh Fu’aad
Somalimidnimo.com
Warbaahinta BakaaroNet
Muqdisho - Somalia
|