Shabaab oo Qaar kamid ah Beelaha Soomaaliyeed taageero weydiistay
 -------------------------------------------------------------------------------------------

Hoggaamiyihii hore ee Xisbul Islaam, kana tirsan iminka dhaq dhaqaaqa Al-shabaab Xasan Daahir Aweys ayaa baaq u diray Qaar kamid ah Beelaha Soomaaliyeed.


Sheekh Xasan Daahir Aweys

Xasan Daahi Aweys oo Khudbad uu shalay Salaaddii Ciidda kaddib ka jeediyay Ceelasha Biyaha waxa uu ugu baaqay Beelaha Abgaal,Ogaadeen iyo Majeerteen inay garabka Mujaahidiinta galaan, isla markaana taageero iyo hiilba aysan siinin Garabka ka horjeeda ee Dowladda KMG ah oo ay u yaqaanaan Cadowga Alle.

Mr Aweys waxa uu hadalkiisan yimid xilli uu maalmo ka hor Beesha Ceyr ee uu ka dhashay ay heshiis la galeen Dhaq dhaqaaqa Dhalinyarada ee Al-shabaab, kuwaas oo gacanta ku haya gobollo badan oo ka tirsan dalka Soomaaliya, gaar ahaan Gobollada Koonfurta.

”Waxaan leeyahay beelaha Majeerteen iyo Ogaadeen waxaad ka hiiliseen Islaamka ee gaalada kasoo laabta Islaamka ayaa idiin baahan ee ka hara gaalada aad daba ordeysaan oo diinta difaaca … Abgaaloow waxaad aheydeen dad ahlu qur,aan ah ee maxaad daba dhilif ugu noqoteen cadawga, awal Itoobiya ayaad dabada ka riixdeen, hadana AMISOM iyo murtadiinta ayaad taageereysaan ee Ilaah ka baqa oo Islaamka garabka siiya” sidaa waxaa yiri Hoggaamiye Xasan Daahir Aweys.

Hadalka Mr Aweys waxa uu imanayaa xilli Kooxda uu ka tirsan yahay ay wadaan dadaallo sidii beelaha Soomaaliyeed ay uga taageeri lahaayeen ugana caawin lahaayeen Dhinac kasta oo ay kaga baahan yihiin Saanad Milatari iyo mid dhaqaale intaba.

Warbaahinta BakaaroNet
Muqdisho - Somalia



 

                           BakaaroNet © 2011 - All Rights Reserved.                        
 Contact us at:
bakaaronet@hotmail.com